Toggaherer’s Weblog

CIIDAMADA AHLU SUNA WA JAMAACA OO LA WAREEGAY DAGAAL BA AN KA DIB DHUUSAMAREEB

Posted on: January 29, 2009

CIIDAMADA AHLU SUNA WA JAMAACA OO LA WAREEGAY DAGAAL BA AN KA DIB DHUUSAMAREEB

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka G/gaduud ayaa sheegaya in xoogag taabacsan Ururka Ahlu Sunah Waljamaacah, isla markaana gacan ka helaya Maleeshiyaad deegaanka ah ayaa goor dhowayd la wareegay Degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobolka G/gaduud.

Xoogaga Ahlu Sunah Waljamaacah oo waabarigii saaka weerar ku soo qaaday Degmada Dhuusa Mareeb oo ay gacanta ku hayeen Xoogaga Alshabaab ayaa saacado dagaal socdeen kadib la wareegay gacan ku heynteeda.

Maleeshiyaadka Ahlu Sunah ayaa la sheegay in dagaalka ay kala qeyb galeen Dabaabaadka loo yaqaan Beelaha, kaasoo ay kula dagaalameen Xoogaga Alshabaab.

Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhimatay dagaalkaas oo haatan ka soconaya Bariga Magaalada, halkaasoo loo eryey Xoogaga Alshabaab, waxaana la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee labada dhinac kala gaaray, inkastoo la sheegayo in dhinacyadaas uu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay.

Degmada Dhuusa Mareeb ayaa noqoneysa Degmadii labaad oo ay ka qabsadaan Alshabaab, kadib dagaalo mudooyinkan u dhaxeeyay labadaas urur diimeed, waxaana dagaalada labada dhinac oo ku aadan loolan dhanka Gobolka ah uu yahay mid wali taagan oo saameyntiisa ay ku reebtay dadka ku dhaqan Gobolka G/gaduud.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

WARIYE: XASAN MACALIM
GAALKACAYO

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: