Toggaherer’s Weblog

XISBIGA UCID OO DOORTAY CIDA UGA QAYB GALAYSA TARTANKA DOORASHADA MADAXTINIMADA SOMALILAND

Posted on: January 28, 2009

XISBIGA UCID OO DOORTAY CIDA UGA QAYB GALAYSA TARTANKA DOORASHADA MADAXTINIMADA SOMALILAND

Hargeysa 28 Jan 2009 ToggaHerer

Shirweynihii Xisbiga Ucid oo saaka Ka bilawday Magaalada Haregisa Gaar ahaan Maansoor ayaa waxa uu ku bilawda jawi degan inkasta oo markii daneb uu buuq ka dhacay.

Shirweyanaha ayaa lagu dooranayay Xubnaha uga qayb galaya Xisbiga Ucid Tartanka Madaxtinimada Somaliland ee lagu wado in ay qabsoonto 29 March. waxaana shirgudoonka Shirku soo Gudbiyay Magacyada U taagan Musharaxnimada Xisbiga kuwaas oo kala ahaa Mudane Eng Faysal Cali waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid jagada M/weynaha Prof Maxamed Rashiid Sheekh Xassan M/weyne Ku xigeenka ka dib markii uu ka tanaasulay Jagada Ku xigeenka Prof Cali Caydiid Xassan oo isagu ka soo jeedo Gobolka Sool.

Shirweynaha ayaa Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay in tartanka M/weynanimo iyo M/weyne Ku xigeen ay Xisbiga uga qayb galaan Labada Musharax ee kala ah Gudoomiye Eng Faysal Cali Iyo Prof Maxamed Rashiid Sheekh Xasan.

Shir Gudoomiyaha Shirweynaha Mudane Maxamed C/laahi Uurcade ayaa sheegay in madasha ay fadhiyaan 149 xubnood oo ah golaha dhexe ee Xisbiga UCID oo ka kooban 151 Xubnood
147 xubnood ayaa u codeeyey Eng Faysal Halka 2 ka diideen, Prof Maxamed Rashiid waxa ogolaaday 143 waxaana diiday 6.

Shirweyanaha ayuu ka dhashay Buuq kadib markii uu shirgudoonku ku dhawaaqay Musharixiinta u taagan Doorashada Shirkina xidhan yahay Barina la isugu soo laaban doono.Xubno ilaa labaatan ah ayaa shirka ka dareeray oo sheegay in shirka la afduubay xubnahan ayaa waxa horjooge u ah Xildhibaan Bukhaari waxaan ku jira Xubinta la sheegay in uu ka tanaasulay musharaxnimada Ku xigeenka Prof Cali Caydiid Xassan xubnaha dareeray ayaa shir gudoonku sheegay in aanay Xisbiga ka tirsanayn in muddo ah golihiisa dhexe.

Xafiiska Warqabdka TogaHerer
Maxamed Muse

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: