Toggaherer’s Weblog

SHIRWEYNIHII XISBIGA UDUB OO LA CAYIMAY WAKHTIGA LA QABANAYO OO AH 3 FEB

Posted on: January 28, 2009

SHIRWEYNIHII XISBIGA UDUB OO LA CAYIMAY WAKHTIGA LA QABANAYO OO AH 3 FEB

Af’hayeenka Gudida qabanqaabada ee shirweynaha UDUB isla markaana ah xubin ka tirsan gudida fulinta ee Xisbiga UDUB Md. Rashiid x. Cabdillaahi Guuleed ayaa maanta ku dhawaaqay wakhtiga rasmiga ah ee uu qabsoomayo shirweynaah 2aad ee xisbiga UDUB.

Shir jaraa’id oo Afhayeenku maanta duhurkii ku qabtay xarunta dhexe ee Xisbigaasi waxa uu sheegay in shirweynaha Xisbiga UDUB uu si rasmi ah u bilaabmayo 3 bisha soo socota ee February 2009, in kasta oo aanu sheegin muddada uu soconayo, balse waxa la saadaalinayaa inuu socon doono muddo 3 maalmood ah.

Af’hayeenka gudida qabanqaabada Md. Rashiid X. Cabdillaahi sidoo kale waxaa uu maanta soo saaray wareegto uu ku amrayo ergooyinka shirweynaha ka qayb galaya inay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo xaroodaan caasimada ugu danbayn 2 bisha si ay u qaataan kaadhadhka ergooyinka, xubintii ka danbaysa wakhtiga gudida qabanqaabadu ay cayintayna waxa uu afhayeenku tilmaamay in loo aqoonsan doono mid ka maaran tay ka qayb galka shirweynaha.

Tan iyo markii uu madaxweyne Rayaale magacaabay gudida isku dubaridka shirweynaha 2aad ee xisbiga UDUB, waxa si is daba joog ah dalka ugu soo qulqulaya ergoyinka shirweynaha kuwaasi oo ka kala imanaya wadamada dibada iyo gobolada dalkaba.

Qarannews

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: