Toggaherer’s Weblog

MAAMULKA CUSUB EE DHAWAAN LOO MAGACAABAY JAAMACADDA HARGEYSA OO XILKII KALA WAREEGAY MAAMULKII HORE

Posted on: January 28, 2009

MAAMULKA CUSUB EE DHAWAAN LOO MAGACAABAY JAAMACADDA HARGEYSA OO XILKII KALA WAREEGAY MAAMULKII HORE

Maamulka cusub ee jaamacadda Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay maamuulkii hore ee jaamacadda, xaflada xilwareejinta ee ay labada maamul kula kala wareegayeen oo lagu qabtay xarunta jaamacadda Hargeysa waxa ka soo qayb galay gudidda ku meel gaadhka ah ee hogaanka jaamacadda iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyihii hore ee jaamacadda Hargeysa Mr. Cabdi Haybe ayaa hadal uu xafladda ka jeediyay waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in la hirgaliyo sharciga jaamacadda iyo in la tayeeyo waxbarashada waxa kaloo uu sheegay in jaamacaddu u baahan tahay waxbarasho tayo leh.

Mudane Cabdi Haybe waxa kale oo uu ka waramay marxaladihii iyo wax qabadkiisi mudadii uu xilka jaamacadda hayay.

Gudoomiyaha cusub ee jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen C/laahi Bulxan oo isna munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay intii tagtooda ah waxba kala hadhi doonin sidii loo horumarin lahaa jaamacadda Hargeysa.

Dr. Bulxan waxa uu intaa ku daray inay xidhiidho farabadan la sameeyeen jaamacaddo badan oo caalamka ka jira iyo jaaliyaddaha Somaliland ee qurbaha ku dhaqan jawaab fiicana ay ka heleen.

Marwo Adna Aadan iyo Cismaan Xassan Mire oo ku hadlayay afka guddida jaamacadda ayaa iyaguna hadalo dardaaran iyo waano isugu jiray halkaa ka jeediyay.

Xafaladda xilwareejinta jaamacaddda waxa kale oo goob jog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan jaamacadda Hargeysa oo uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Mubaarig Ibraahin Aar, gudoomiye-ku-xigeenka labaad Aamina Xaaji C/llaahi iyo madaxda qaybaha kala duwan ee jaamacaddu ka kooban tahay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: