Toggaherer’s Weblog

KU XIGEENKA RAISAL WASAARE EE IMAARADKA OO DEEQ SOO GADHSIIYEY JAMHURIYADA S/L

Posted on: January 28, 2009

KU XIGEENKA RAISAL WASAARE EE IMAARADKA OO DEEQ SOO GADHSIIYEY JAMHURIYADA S/L

Madaxtooyada Somaliland
Date: 27/01/2009
War-saxaafadeed

Deeq uu soo gaadhsiiyay Jamhuuriyadda Somaliland Raysul Wasaare ku xigeenka Dawlada Imaaraadka Carabta Sheekh Xamdaan Binu Saayid Al- Nahyaan oo daba socotay Mashaariic uu hore Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin uga codsaday Booqashadii uu Madaxweynuhu hore ugu tegay Dalka
Imaaraadka Carabta.

Mashaariicdaasi oo ay hore u keeneen Somaliland, kuwaasi oo ka mid
ahaayeen Riiga Biyaha soo saarayay kuwo kalena hadda wada, isagoo baahi weyn ka qaban doona biyo la’aanta ka taagan Somaliland.

Waxa kale oo ay hir geliyeen oo ay keeneen Ijiin Weyn, oo kaalin weyn ka qaadanaya dab yaraanta Caasimada Hargeysa, iyadoo shalay lagu wareejiyay
hay’adda Korontada ee Hargeysa, waxana ay maanta keeneen deeq lacageed oo dhan 90 kun oo Doollar, oo loogu tallo galay in lagu qabyo tiro dhakhtarka dhismihiisu socdo ee Gobolka Gabilay, waxana ay deeqdan soo gaadhsiiyeen
Xafiiska Madaxweynaha, iyada oo uu deeqda ka gudoomay Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise, oo isna isla goobta ku wareejiyay Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Mudane Maxamed Axmed Aw Cabdi iyo
Maayarka Gabilay Mudane Aadan Muxumed Bade.

Hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynuhu waxa uu ku yidhi “Waxa aan uga sidaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin Raysul Wasaare ku xigeenka Imaaraadka Carabta Sheekh Salaan diiran iyo mahad naq balaadhan”.

Xoghayuhu waxa kale oo uu sheegay in shacbiga Somaliland ay Mashaariicdan ay soo gaadhsiisay Dawlada Imaaraadka Carabtu ay u hayaan abaal , ayna ugu mahad naqayaan deeqahaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Gabilay Mudane Maxamed Axmed Aw Cabdi oo deeqdaasi ka gudoomay Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Axmed Maxamed Ciise , ayaa mahad naq balaadhan u jeediyay Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Xukuumada Somaliland sida wanaagsan ee ay iska xil saareen gaadhsiinta deeqdan, iyada oo ay gobolka ka socdaan Mashaariic badan oo looga baahnaa deeqdan oo kale, uguna mahad naqayaan gobol ahaan Raysul Wasaare ku xigeenka
Dawlada Imaaraadka Carabta.

Xafladan deeqda lagula kala wareegayay waxa kale oo goob joog ka ahaa Protocol-ka Madaxtooyada Mudane Yuusuf Taani.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: