Toggaherer’s Weblog

GABILEY WARAABE LAGA SAARI KARI WAAYAY GURI UU GALAY WARAABAHA AYAA SUJUUDSAN MAKHSIN

Posted on: January 28, 2009

GABILEY WARAABE LAGA SAARI KARI WAAYAY GURI UU GALAY WARAABAHA AYAA SUJUUDSAN MAKHSIN

Gabiley: Waraabe Laga Saari Kari Waayay Guri Uu Galay
Mid ka mid ah Afar waraabe oo subaxnimadii hore ee shalay soo galay gudaha magaalada Gabiley ee gobalka Gabiley, ayaa galay guri ku yaala magaalada, kaas oo laga saari kari waayay islamarkaana lagu dhiiran waayay in la dilo ama la waxyeeleeyo.

Guriga uu waraabuhu galay oo ku yaala cidhifka waqooyi ee magaalada Gabiley, ayaa horaantii toddobaadkan waxa ku geeriyooday, alle haw naxariiste, nin la odhan jiray Marxuum Daahir Muxumed Illeeye oo guriga degenaa kana yimid qurbaha. Sida ay qaar ka mid ah qoyska guriga degeni u sheegeen weriyayaal ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika oo gelinkii dambe ee shalay booqday, waraabayaasha oo ay tiradoodu ahayd afar ayaa abaaro 7:00 subaxnimo isa soo hurtubay guriga ay geeridu ka dhacday waxaana mid ka mid ahi galay qol ka mid ah aqalka iyadoo kuwa kalena ay dib uga noqdeen gurigii.

Weriyayaasha ayaa waxa ay indhahooda ku soo arkeen waraabihii oo dhex kambadhuudha qol ka mid ah guriga, waxaanu u muuqday inuu iska nabayay dhaqdhaqaaqa iyo shanqadha guriga ka socota. Qoyska guriga degeni waxay sheegeen inay isku dayeen inay guriga ka saaraan balse ay u maaro waayeen, “Markii aanu u taag weynay inaanu guriga ka saarno ayaanu is nidhi siiya wax uu quuto, laakiin wuu diiday.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadka guriga degenaa ee ay weriyayaashu la kulmeen.

Dhacdadan oo aan hore loo arag ayaa qoyska guriga degen iyo dadweynaha Gabiley waxay ka bixiyeen aragtiyo kala duwan. Qaar ka mid ah dadka guriga ku nool ayaa waxa ay tilmaameen in arrintani ay tahay mucjiso la xidhiidha geerida Alle haw naxariiste marxuumka geeriyooday, inkastoo ay ka gaabsadeen inay tafaasiil ka sii bixiyaan. Dadweynaha Gabiley oo ku soo xoomay guriga waraabuhu ku jiray ayaa waxay ku dhawaaqayeen weedho kala duwan oo ay ku cabiriyeen dareenkooda la xidhiidha qisadan. Qaar ayaa lahaa waa mucjiso, kuwo kalena waxay ku doodayeen in waraabahani soo raacay xoolaha lagu qalay geerida. Hase yeeshe kuwo kale ayaa ku fasiray waraabahan inuu guriga soo magan galay, iyagoo tilmaamay inay waraabayaasha kale ee guriga ka noqday baacsanayeen.

Waraabahan ayaa waxa uu khalkhaliyay nolol maalmeedkii caadiga ahayd ee qoyska, waxaanu gurigii noqday xarun buuq badan, halkaas oo la keenay ciidamo boolis ah oo isku dayay inay dadka kala dareeriyaan. Hase yeeshe ilaa xalay cawayskii dadku way tubnaayeen guriga hortiisa, iyadoo waraabihiina ku dhex jiro.

wariyaha arimaha bulshada

Deeqa cabdi Yusuf

Gabileynewsdesk
Gabiley

This news was brought to you by http://www.geeska.net your only exclusive source

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: