Toggaherer’s Weblog

AFHAYEENKA AL-SHABAAB OO KA QUDBADEEYEY MAGALDA BAYDHABO

Posted on: January 28, 2009

AFHAYEENKA AL-SHABAAB OO KA QUDBADEEYEY MAGALDA BAYDHABO

Al shabaab ayaa shacbka Baydhabo ugu baaqya in labo maalin gudahooda ay ku soo celiyaan agabkii shalay laga boobay xarunta ADC-da iyo Aqalka Madaxtooyada.

Boqolaalkani dadweynaha ah ee maanta isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu dibadbaxooda ku saleeysnaan taageero ay u muujinayeen xoogaga Al shabaab oo shalay si nabad ah kula wareegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dadkani maanta isugu soo baxay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay isugu yimaadeen fagaaraha 4-irdoodka kuwaasi oo socod dheer ku tagay garoonka Dr Ayuub ee magaalada Baydhabo.

Dibadbaxani oo si weyn uga dhacay garoonka ayaa waxaa ka soo qeyb galay aqoonyahano,waxgarad,culumaa’udiinka Ahlusuna Wal Jameeca iyo saraakiil ka tirsan ururka Al Shabaab.

Afhayeenka ururka Al shabaab Shiikh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur) oo dadkaasi la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in dadka looga baahan yahay in ay soo saaraan hub farabadan oo ku xareeysan sida uu sheegay xaafadaha magaalada Baydhabo si ay ula dagaalamaan gaalada iyo kuwa raacay sida uu hadalka u dhigay.

Abuu Mansuur ayaa sheegay in maamul Islaami ah oo Al shabaab ay leeyihiin ay u sameyn doonaan magaalada Baydhabo,waxana uu ka soo hor jeestay in dastuur aan diinta islaamka aheeyn loo sameeyo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Abuu Mansuur waxaa uu shacabka Reer Baydhabo ugu baaqay in mudo labo maalmood ay kusoo celiyaan agabyadii shalay ka boobeen aqalka madaxatooyada iyo xarunta baarlamaanka ee ADC-da kuwaasi oo uu sheegay in ay la wareegi doonaan xoogaga Al shabaab.

Waa markii ugu horeeyay ee uu Afhayeenka ururka Al shabaab Shiikh Muqtaar Rooboow (Abuu Mansuur) uu shacab sidan oo kale ah ugu qudbadeeyo gudaha magaalada Baydhabo.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: