Toggaherer’s Weblog

XUKUUMADDA SOMALILAND IYO XAFIISKA ITOOBIYA EE HARGEYSA OO ISKU HAYSTA GANTAALAHII LA QABTAY

Posted on: January 27, 2009

XUKUUMADDA SOMALILAND IYO XAFIISKA ITOOBIYA EE HARGEYSA OO ISKU HAYSTA GANTAALAHII LA QABTAY

Xukuumadda Somaliland iyo Xafiiska Itoobiya ee Hargaysa oo isku haysta Gantaalahii la Qabtay

Sagaal Gantaal waxa Gacanta ku haya Itoobiya, 1 Gantaalna Ciidamada Somaliland, Fuyuusyadiina waa lala baxsada

Wararka naga soo gaadhaya Gantaalahii ay dhawaan Ciidamada Boolisku qabteen ayaa daaha ka rogay in uu muran wayni ka dhex taagan yahay Xukumada Somaliland iyo Masuuliyiinta Dawlada Itoobiya u fadhiya Xafiiskooda Magaalada Hargeysa , taas oo ka dhalatay markii si badheedh ah ay Cidamada Itoobiya ku qaateen 9 ka mid ah Qoryahii Gantaalaha Lidka Diyaaradaha ahaa ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Hargeysa , Hubkan oo sida uu sheegay Wasiirka arrimaha Guduhu laga keenay Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay waxay daaha ka qaadayaan in uu Dalka soo galiyay Nin Ganacsade ah oo Qandaraas ku haysta Saadka Ciidamada Amison ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho kaasoo la sheegay inuu ka ganacsado hubka.

Xog aanu ka helnay lahaanshaha Hubkaasi ayaa waxay sheegayaan in Ninka Ganacsadaha ahi Hubkaasi uu u siday isla Xafiiska Hargeysa ee Itoobiya oo Dalabka keenida Hubka lahaa , taas oo ay heshiis ku ahaayeen Qoryahaasi inay ka siistaan lacag dhan boqol kun oo Dollar $ 100’000 balse Mu’aamaraad iyo Wanjal ay u qorsheeyeen darteed loo xidho Nimanka hubka keenay, Hubkiina lala wareego.

Wanjalka iyo Mu’aamaraadka Sababtay in hubkan la qabto ayaa warku sheegayaa inay iska kaashadeen Niman ka tirsan Sirdoonka Somaliland iyo Saraakiil ka tirsan Xafiiska Itoobiya ee Magaalada Hargeysa kuwaas oo si dadban shuraako u ah, waxaanay Xogaha arrintaasi ku saabsani sheegayaan in labada Nin ee hubka loo hayo laga soo qabtay Guriga ay degan yihiin Saraakiisha Itoobiya, balse ay baxsadeen oo ay maqan yahiin laba Nin oo kale oo muhiima oo ahaa Nimankii kaalinta ugu muhiimsanayd ku lahaa soo Iib gaynta Hubkan, kuwaasoo kala ah Ninkii hayay Qarxiyayaashii 10ka Gantaal iyo Macalinkii Farsamada Gantaalaha garanayay kuwaasoo ka badbaaday Shirqoolka loo dhigay labada Qof ee loo hayo Qorshahaasi.

Ninka Xidhan ee Ganacsadaha Dilaalka ah oo ah Nin Gacmo Fog ku Xidhan awgeed ayaa la sheegay inay Dacwada arrintani noqotay mid gacanta lagaga gubto, taas oo sababtay Khilaafkeedu inuu gaadho madaxda sare ee Dalka , kuwaas oo dalbaday in Qoryaha Gacanta loo soo galiyo, balse ilaa hada ay ka warwareegayaan Masuuliyiinta Saraakiisha Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa u fadhiyaa kuwaasoo sida la sheegay ku doodaya Hubkaasi inay iyagu leeyihiin oo aanay soo celinayn.
SOURCE ; WARGEYSA WAAHEEN

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: