Toggaherer’s Weblog

WAXAAN AHAY QOFKA U HOREEYA EE RIDI DOONA GUDOOMIYE SALEEBAAN GAAL HADDII AAN CID HELO

Posted on: January 27, 2009

WAXAAN AHAY QOFKA U HOREEYA EE RIDI DOONA GUDOOMIYE SALEEBAAN GAAL HADDII AAN CID HELO

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin “dheeg” oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa shalay xog-waran uu siiyay Warbaahinta qaarakeed si xoog leh ugu dhaliilay Hoggaaminta Maamul ee Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan “Saleebaan Gaal” ka dib markii uu ka soo saaray Gudoomiyuhu dibadana ka dhigay fadhigii shalay Xildhibaanka.

Xildhibaanku waxa uu ku dooday in wax ka bedelka Xeer Hoosaadka ee ay Mudanayaasha qaar doonayaan uu yahay mid ay ku wanaajinayaan hanaanka shaqo ee Golaha, balse aanu ahayn mid loogu dan leeyahay in Shirgudoonka lagaga takhalusayo illaa Marxuumkii “Gudoomiyihii hore ee Guurtida” uu taagnaa arrinka wax ka bedelka Xeer Hoosaadku, waxase uu sheegay in sida uu haatan u dhaqmaayo Gudoomiyuhu ay tahay mid khariban oo Mudanayaashii dadka ka wakiilka ahaa ula dhaqmaayo sidii Ardayda oo kale.

Xildhibaan Dheeg isagoo ka hadlaaya Arrintii Maalmihii u dambaysay khal-khalka galisay Golahooda waxa uu yidhi“wax Allaale wax ka jiraa ma jiraan arrinta Muda kordhinta ee Madaxtooyada, Arrinta wax ka bedelk Xeer Hoosaadku waa sixid qodobo dhowr ah, waxa kaliya ee ay ka baqayaan qolada Shirgudoonku waa codkaa hal dheeriga ah oo kaliya, Aniga Dheeg ahaan waxaan u sheegay Gudoomiyaha idinkana hadda idiin sheegayaa waxay tahay in aan ridi doono oo aan xilka ka qaadi doono haddii aan cid u helo.

Xildhibaan Dheeg isagoo ka hadlaaya waxa uu haatan uga hor yimid Guddoomiyaha waxa uu yidhi “Maalintii la dooranayay waxaan ahaa ragii u ololaynayay ee rabay inuu qabto xilka Gudoomiyaha Golaha Guurtida nin mutacalin ah oo wax qora wixii qoraal ah ee la soo hordhigan iska akhriyi kara isla markaan dhaqan yahan ah balse waxaasi oo dhami waa hal bacaad lagu lisay, rabish iyo buuq ayuu la soo galay Golaha, Goluhuna maaha Golihii Guurtida ee la yaqaanay intii uu joogay Saleebaan Gaal.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin “Dheeg” mar wax laga waydiiyay Shirwaynaha UDUB ee dhowaan la filayo inuu qabsoomo iyo sida ay uga dhex dhici karto dhexdiisa Doorasho Xalaal ahi iyo waliba sida uu u arko Gudida qaban-qaabada ah ee Madaxweynuhu magacaabay “ Insha Allahu Doorashadu dalka way ka wada dhici doontaa Maalin qudhana dib u dhici mayso sida ay Xisbiyada Qaranku iyo Golayaashuba ku dhawaaqeen in aanay wakhtigeedii loogu tallo galay aanay dhoofi doonin, waxaanu intaas ku daray in cida tidhaahda Doorashadu dib ayay u dhacaysaa in ay iyagu wadanka ay khal-khal galinayaan.

Dhinaca qabsoomida shirwaynaha UDUB iyo Murashaxiinta haatan isku soo taagay isagoo ka hadlaaya waxa uu yidhi “ sida ku qoran Xeerka Xisbiga waxa xaq u leh magacaabista Gudida qaban-qaabada Xog-hayaha Xisbiga UDUB, Xisbigana waxa si cad oo qurux badan Distoorkiisa ugu qoran in si hufan oo xalaal ah loo tartamo taasina Insha Allahu way dhici doontaa aniguna waxaan ahay xubin Golaha Dhexe ah.
Waaheen


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: