Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA QORSHAYNTA S/L MUDANE ALI IBRAHIM MAXAMED OO SHAHAADO LA GUDOONSIYEY

Posted on: January 27, 2009

WASIIRKA QORSHAYNTA S/L MUDANE ALI IBRAHIM MAXAMED OO SHAHAADO LA GUDOONSIYEY

WASIIRKA QORSHAYNTA S/L MUDANE ALI IBRAHIM MAXAMED OO SHAHAADO LA GUDOONSIYEY

Hargaysa 25 Jan 2009 ToggaHerer

Wasiirka Wasaaarada qorshaynta Qaranka iyo xidhiidhinta Hay’adaha Caalamiga ah, Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare), ayaa shalay shahaado sharaf ka guddoomay Urur ardayeed magaciisu yahay Guryo-Samo Student Association, kaas oo isku xidha arday reer Somaliland ah, oo wax ka barta 12 dal oo daafaha dunida ah.

Ururkan ayaa sheegay in Wasiirka qorshayntu shahaadadan ku mutaystay dedaalkiisa shaqo ee la xidhiidha hawsha qaran ee loo xilsaaray, iyadoo wasiirku ka mid yahay xubnaha tirada yar ee ay shacabku shaqadooda u bogaan. Wasiirka oo guddoonsiinta ka dib halkaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ugu mahadnaqay shahaado sharafta ay u garteen “Waxaan jecelahay inaan aad ugu mahadnaqo ururkan ardayda dhalinyarada ah ee laba iyo tobanka dal ee Afrika/Aasiya iyo Yurub-ba ka wakiilka ah ardayda Somaliland ee inaga joogta oo imika dalka fasax u jooga inay i gudoonsiiyeen shahaado sharaf, oo aan leeyahay waa shahaado ay guddoonsiiyeen Wasaarada qorshaynta qaranka, iskuduwida iyo xidhiidhinta Hay’adaha Caalamiga ah, oo aan aniga uun ku magacaabanahee laakiin sharafta ay iska leedahay Wasaarada iyo shaqaalaha Wasaarada ka shaqeeya oo runtii si hagar la’aana u dadaala, oo wajibaadkooda la saaray aad ugu dadaala siday u gudun lahaayeen aad iyo aadna way ugu mahadsan yihiin. Sharafwayna way noo tahay in dadaalkii Wasaaradu samaynaysay ay jiraan dad garanaya inay qiraan waxay Wasaaradu qabanayso, oo markaa shahaado na siiya ama garta in aanu mudanahay shahaadada. Hase ahaatee waxaan jecelahay in aan u sheego dhalinyaradan, oo ah dhalinyarada dalka naga dhaxli doonta inaad tihiin caqliga dalkan oo markaad ku soo noqotaan ee aad walina na badashaan aanaga aan rajaynayo in waxyaalo badani is badali doonaan, oo cilmigii aad dibada ka soo barateen marka aad dalka la timaadaan aad dabaqi doontaan, dabadeedna dalka intaa xawligiisu ka badnaado.”

Mudane Cali, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi, “Waxa dhaba oo aanu ku haynaa daraasaadka aanu samaynay in meel kasta ay nusqaan aqooneed ka jirto, sababtoo ah duruufihii dalka soo maray awgood ayaan aqoontii looga baahnaa meelo badan ayna suurtagalin in la helo, taa horteedna intaan dalka la xoreyn Jaamacadu may jirin, Maxadyo kale oo waa wayn oo aynu dhaxalay may jirin, meelo kale oo aqoonta sare laga barto may jirin, markii aynu Somaliland xoreynay ayaa la bilaabay Jaamacadihii iyo Macaahidii. Taasina muddo ayay qaadanaysaa si ay u kaabto aqoontii loo baahnaa, labaatan sanadood dabadeed ayay aqoontaa Jaamacadeheena iyo Hay’adaheenu ay kaabi karaan, laakiin imika waa bilow.

Markaa wakhti kala guura ayaynu ku jirnaa oo aqoontii aan meel walba laga helin, Idinkana (Ardayda shahaadada guddoonsiiyay) waxa idinku jira Dhakhaatiir, Ingineero iyo niman badan oo aqoon sare soo baranaya, waana aqoonta loo baahan yahay marka aad soo dhamaysaan, meelo kale ha taginee deg-deg noogu kaalaya, dad badanbaana markay meelahaa wax ka soo bartaan eeg eegta meelaha doogu ku badan yahay sida Carabta, markaa intaydaan carabta tagin aqoontiina halkan ayaa looga baahan yahaye fadlan kaalaya aynu dadkan wax u wada qabanee, mustaqbalkana haddii aydaan idinka oo kale aqoontiinaa keenin wadanka meel uu gaadhayaa ma jirto, aqoon ayuunbaa wax lagu gaadhaa iyo dhabar adayg iyo karti.”

Wasiirku, waxa uu sheegay in dalka Somaliland uu ku jiro hayaan horusocod, waxaanu yidhi, “Anaguna intayadii imika ayaanu gudanaynaa oo Odayaal ayaanu nahay, oo mar dhaw ayaanu iska fadhiisanaynaa ee waa in aad idinku halkaa ka sii amba qaadaan, imikana dalku wuu fiican yahay oo maalin walba waxbaa ku kordha oo maalin walba maalintii hore way ka sii fiicnaanaysaa, haddii aad dalka dhawr sanadood dib u eegto siduu ahaa iyo imika wax wayn ayaa u dhaxeeya, laakiin had iyo gooraale markaad meeshaa taagan tahay, bani aadamku meeshaa uu taagan yahay wuu dhaliilaa oo inuu hore uga sii socdo ayuu jecel yahay, taa macnaheedu maaha marka aad doonaysid inaad hore uga sii socotid in aanad ka fiicnayn shalay, shalay waad ka fiican tahay, laakiin waxa la qawadaa xawliga lagu socdo.”

Waxa isagun halkaasi ka hadlay Xoghayaha Urur ardayeedka Guryo-samo student Association, Dr Axmed Caydiid Cismaan, waxaanu yidhi “Shahaado sharaftan Wasiirku waxa uu ku mutaystay sida uu ugu shaqaynayo bulshadaa iyo qaranka Somaliland iyo waliba sida uu xidhiidhka ula leeyahay ardayda iyo ku guubaabintiisa waxbarashada. Ururkan oo magaciisa la yidhaa (Guryo-samo student Association) waxa uu kulmiyaa ardayda Somaliland ee dibada wax ka barata, ugu yaraana imika waxa uu kulmiyaa ardayda wax ka barata laba iyo toban dal (12) oo ku kala yaala qaaradaha Yurub, Aasiya iyo Afrika, iyada oo ardayda ugu badan wa ka barta wadamada Sudan, Hindiya, Masar iyo dalka Yemen. Markaa shahaado sharaftan Wasiirka waxa u gartay Ururka ka dib markuu arkay hawlkarnimadiisa iyo sida uu ugu hagar baxo Qaranka Somaliland.”

SOURCE Geeska

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: