Toggaherer’s Weblog

WAR SAXAAFADEED URURKA HORUMARINTA DIMUQURAADIYADA & MAAMUL WANAAGA AFGARAD

Posted on: January 27, 2009

WAR SAXAAFADEED URURKA HORUMARINTA DIMUQURAADIYADA & MAAMUL WANAAGA AFGARAD

Waxa dhowaanahan soo if-baxaya sanqadho isa-soo taraya oo ku aaddan; Muddo-kordhin labaad oo cimri-dherer u noqota Taliska xilligiisii dhammaaday, taas oo sifo kasta oo ay u suurta-gali karto hir-gelinteeda dagaal xooggan loogu jiro. Si uu u wado iyo tub uu u maroyaba, waxa hawshaas ku fooggan, kuna jilan, Madax-weyne Riyaale iyo inta malafsiga kula shuraakada ah oo ay isku qaban la’ yihiin laabaha mujtamaca ee ka sii jeeda iyo dhadhanka macaan ee dhiigga maatadu u sameeyay. Haba falaan sida garaadkoodu siiyay’e, Sidee arrintaasi caqliga u gali kartaa ama loo qaadan karaa?

Run-ahaan, waa dhabar-jabin looga dan leeyahay burburinta masiirka ummadda iyo carqaladaynta hannaan-socodka Dimuqraadiyadeed ee shacabku ku tallaabsaday. Waa badhi-fur aan kow ahayn, laba ahayn, se tiro beelay oo Taliska Riyaale si badheedh ah kula kacay heshiiskii Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka ahi wada saxeexdeen: 15.May.2008, kaas oo dhigayay inaanay doorashooyinku hal maalin dib uga dhicin 29.March.2009. Waa jillaafo marag-ma-doon ah oo Taliska gabbalkiisu sii dhacayaa ku hantaaqaynayo Halgankii rubuc-qarniga soo socday (1981-2009) ee ummaddani ugu jirtay helitaanka maamul Dimuqraaddi ah oo ku dhaqa sinnaan, caddaalad iyo hor-u-mar.
Haddii ay sidaas tahay, Ururka Af-garad isaga oo ka turjumaya dareenka shacbi-weynaha reer Somaliland, kuna xisaabtamaya cawaaqib-xumada ka dhalan karta muddo-kordhin kale oo dhacda, waxa uu ku baaqayaa/leeyahay:

1. Ma dhici karto, mana jiri karto sabab dib loogu riixo mar saddexaad Doorashada, ciddii dib-u-dhiggaas samaysaana waa cid gacanteeda ku dishay masiirkii ummadda.

2. Golayaasha Baarlamanka, Komishanka Doorashooyinka, Xukuumadda, Axsaaabta iyo dhammaan ciddii lug ku leh Arrimaha Doorashooyinka waxaanu uga nasteexaynaa inay ku sawirmaan dib-u-dhigis kale oo dhacda, maadaama Taariikhdu Indhaha Ku Hayso!

3. Haddii mar labaad Axsaabta Mucaaradka ahi yeelaan dib-u-dhac aan sharciga waafaqsanayn oo ku yimaadda Doorashada; waxay taariikhdu u aqoonsanaysaa Axsaab Riyaale ku taageersan: tacaddiyada xuquuqaha muwaadiniinta, keli-talisnimada, musuq-maasuqa, caddaalad-darrada, mad-madawga siyaasadda Arrimaha Debedda iyo aqoonsi la’aanta, adhi-dillaalista, shidaal u xidhista Total, guryaha Qaahira, kootaynta siyaasadda, af-xumada Madaxtooyada iyo ka-arradnaanta luqadda Diblomaasiyadda, cabudhinta saxaafadda, xisaabtan-la’aanta, biyo-la’aanta caasimadda, shaqo-la’aanta dhalinyarada, tahriibta dhalinyarada, duruufaha naxdinta leh eek u gedaaman; caddaaladda, caafimaadka, tacliinta, jidadka magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo guud ahaan adeegyada aas-aasiga ah.

Waxaanu hadalkayaga ku soo meeraynaa tuducyadan hoose oo ku jiray tixdii Gol-janno ee Abwaan: Maxamed I Warsame “Hadraawi”:

“Rag gudboon sal iyo baar,
Haddii geel isugu jiro,
Gar-ma-qaate dhega li’I,
Go’aan wadari leedahay,
Hadduu goonnidiisiyo,
Gaarkiis u maamulo,
Keligii nin gob’a yahay,
Inta badan gun hoosiyo,
Garax iyo qadhoon iyo,
Gaaggaab ka wada dhigo,
Marka loo ged sheegtana,
Galka seefta kala baxo,
Wuxuu goosto keligii,
Ama geysto dabadeed,
Garashaa ku tidhi yeel!
Ninka kale gilgilashada,
Hadduu giirto hibashada,
Ama goosto dabadeed,
Gacan inuu ku ciil baxo,
Dala’siga la gaasiray,
Garashaa ku tidhi diid!”

Maxamed Xuseen Dhabbeeye.

Guddoomiyaha Ururka Af-Garad.


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: