Toggaherer’s Weblog

KOOXDA ALSHABAAB OO LA WAREGTAY QAYBO KA TIRSAN BAYDHABO SIDOO KALENA GACANTA KU DHIGAY XILDHIBANO

Posted on: January 27, 2009

KOOXDA ALSHABAAB OO LA WAREGTAY QAYBO KA TIRSAN BAYDHABO SIDOO KALENA GACANTA KU DHIGAY XILDHIBANO

Baydhaba 26 Jan 2009 ToggaHerer
Kooxda dhalinyaro Diimeedka Al Shabaab ayaa la wareegay qeybo ka mid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo hore xarun ugu ahayd xildhibaanada Barlamanka Imbigathi sidoo kale warar ayaa iyana sheegaya in ay qabteen Xildhibaano ka tirsan Kooxda Imbigathi.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen Xarunta ADC-da ee Baarlamaanka Imbigathi, iyagoo kadibna u dhaqaaqay dhinaca madaxtooyada.

Waxaa jira warar sheegaya iyana in Al-Shabaab sidoo kale la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, halkaasi oo ay saaka Waabarigii ka gureen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo naga soo gaadhayaana waxay sheegayaan in gudaha magaalada haatan laga maqlayo rasaas ay is-weydaarsanayaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin Deegaanka ah oo isku dhinac ah iyo Kooxda Al-Shabaab.

Geesta Kale Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Ururka Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Ibraahim Isaaq.

Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Baydhabo kala soco ToggaHerer.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: