Toggaherer’s Weblog

G/XIGEENKII GOBOLKA SOOL EE SOMALILAND OO U BAXSADAY MAGAALADA JABUUTI

Posted on: January 27, 2009

G/XIGEENKII GOBOLKA SOOL EE SOMALILAND OO U BAXSADAY MAGAALADA JABUUTI
Laascaanood 25 JAn 2009 ToggaHerer
Gudoomiye ku xigeenkii Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland Mudane Maxamed Maxamuud Faarax Indhobuur ayaa waxaa uu shalay u baxsaday Magalada Jabuti ee dalka Jamhuriyada Jabuuti iyadoo aan la garanayn sababta ka dambaysa safarkiisa ku aadan dalkaasi Jabuuti.

Mr Indho buur oo ahaa Ku-xigenka Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland ayaa waxaa ay wararku sheegayaan inuu u kicitimay dalka Jabuuti si uu uga qayb galo islamrkaana uu uga mid noqdo golaha Baarlamaanka Somalia ee hawshiisu ka socoto magalada Jabuuti isagoo ka socda dhanka isbahaysiga dib u xoraynta garabka Jabuuti balse ilaa hada ma jiro war xaqiiqo ah arintaasi ku saabsn.

Indhobuur aya waxaa horay loogu xaman jiray inuu gacan saar hoose la lahaa Maxaakiimtii Islaamiga ahayd ee mar ka talin jirtay dalka Somalia iyadoo lagu eedayn jiray inuu booqasho mar sii horaysay ku tagay dalka Eretria.

Ilaa hada waxa wara kama uusan soo saarin Mr Indhobuur waxa ku kalifay inuu u baxsado oo uu ka qayb noqdo wada hadalada dalka somalia ee ka soconaya Madalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti iyadoo sidoo kale warar hoose ay sheegayan inuu gacan saar la leyahay rag badan oo ka mida kuwa hada u taagan Madaxwaynenimada Somalia uuna quudaraynayo inuu xil ka helo hadii lagu heshiiyo Jabuuti.

Dawlada Somaliland oo uu ka ahaa Gudoomiye ku Xigeenka ayaan iyana wax wara ilaa iminka ka so saarin arinta indho buur iyadoo la sheegayo in hada la baadhayo sida uu u tagay.

Wariye Axmedsaakin Faarax Warsame
Laascaanoood,Somaliland
E-mail;axmedsaakin@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: