Toggaherer’s Weblog

G/XIGEENKA DEGMADA M MOOGE OO WAR AAN SAL IYO RAAD LAHAYN KU TILMAAMAY WAR UUQORAY HARGEYSA TIMES

Posted on: January 27, 2009

G/XIGEENKA DEGMADA M MOOGE OO WAR AAN SAL IYO RAAD LAHAYN KU TILMAAMAY WAR UUQORAY HARGEYSA TIMES

Hargeysa 26 Jan 2009 ToggaHerer
Guddoomiye ku xigeenka Waaxda Maxamed Mooge, oo ka mid ah siddeeda Waaxyood ee magaalada Hargeysa, Mr Maxamuud Cabdi Kaliil, ayaa jawaab ka bixiyay war lagu daabacay Wargeyska Hargeisa Times oo ka soo baxa magaalada Hargeysa. 

Warkan oo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn, oo sheegaya in gantaalada lidka diyaaradaha laga soo qabtay Waaxda Maxamed Mooge, waxa uu u dhignaa warsaxaafadeedka Gudoomiye xigeenku sidan.

“Aniga oo tixraacaya war uu ciwaankiisu ahaa (Ciidanka ammaanka oo xalay heegan sare la galiyay si looga hortago qorshaha ay maleegayaan cadawga Somaliland). Warkaas oo ku soo baxay wargeyka Hargeysa Times cadadkiisii 055, vol.2, taariikdhu markii ay ahayd Sabti 24/January/2008. Kaas oo la sheegay in gantaalihii lidka diyaaradaha laga soo qabtay Waaxda Maxamed Mooge, ee magaalada Hargeysa, haddaba waxaan ummada iyo wargeyskaba u sheegayaa in aan gantaalahaas laga soo qaban waaxda Maxamed Mooge, wargeyskuna ma cayimin halka uu warkaas ka soo xigtay, waana war aan sal iyo raad toona lahayn, annaga oo ah gudoonka waaxduna waxaanu caddaynayaa in warkaasi uu yahay mid aan jirin.

Waaxduna ma aha mid martigalisa dadka qaska iyo qalalaasaha ka wada dalka ee waa waax adaysa nabadgalyada, kana soo horjeeda cid kasta oo fawdo wada

Wargeysku waxa kale oo uu waaxda Maxamed Mooge ku tilmaamay xaafad ka mid ah Maxamuud Haybe, taasina waa mid ka turjumaysa war la’aanta wargeyska, Maxamed Mooge waa waax madaxbanaan oo la mid ah shantii waaxyood ee hore u jiray.

Ugu dambayntii waxaan wargeyska iyo saxaafada kaleba u soo jeedinayaa in ay iska hubiyaan xaqiiqada wararka ay bulshada u tabinayaan, oo ay iska ilaaliyaan wararka aan dhabta ahayn ee wax u dhimi kara sumcada dalka iyo dadka Somaliland”.

Waxa soo gudbiyay
Cabdi-Deeq Maxamuud Yuusuf
Hargeisa
00252 2 4475642
cabdi_deeq@hotmail.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: