Toggaherer’s Weblog

BARCELONA OO NOQOTAY KOOXDII UGU WANAAGSNAYD CAALAMKA 18 -KII SANADOOD EE UGU DAMBEEYAY

Posted on: January 27, 2009

BARCELONA OO NOQOTAY KOOXDII UGU WANAAGSNAYD CAALAMKA 18 -KII SANADOOD EE UGU DAMBEEYAY

BARCELONA OO NOQOTAY KOOXDII UGU WANAAGSNAYD CAALAMKA 18 -KII SANADOOD EE UGU DAMBEEYAY

Barcelona Oo Noqotay Kooxdii Ugu Wanaagsanayd Caalamka 18-Kii Sanadood Ee Ugu Dambeeyay

ToggaHerer 27 January 2009

Kooxda Barcelona, waa kooxdii ugu fiicneyd 18-kii sano ee la soo dhaafay kooxaha K/cagta caalamka, … marka la eego cilmi baadhis ay sameeyeen Xidhiidhka Caalamiga ah ee taariikhda iyo tiro-kobka Kubbada cagta ee International Federation of Football History and Statistics (IFFHS), waxaana kooxda Barcelona loo magacaabay in ay u qalanto noqoshada kooxda ugu wanaagsan caalamka Kubbada cagta.
Cilmi-baadhistaas uu xdhriidhku sameeyay waxa kaalinta labaad soo gashay kooxda Manchester United ee wadanka Ingiriiska, halka kaalinta sadexaad ay soo gashay kooxda Juventus ee wadanka Talyaaniga, waxaana baadhitaanka qiimeynta laga soo billaabay sanadkii 1991-dii, iyadoo kooxda Barcelona ay 79-dhibcood oo nadiif ah ka horeyso kaalinta 2-aad eeM. United, waxaana qaabka qiimeynta loo sameyaya ay tahay in koox kasta lagu qiimeeyay kaalintii ay horyaalkeeda ka gashay iyo guulihii ay gaadhay.

Xidhiidhka IFFHS ayaa sheegay laga soo billaabo sanadkii 1991-kii in kooxda Barcelona ay gaadhay guulo muhiim ah, ayna ku guuleysatay laba koob ee kooxaha horyaaladda Yurub ee Champions League iyo sideed horyaalka wadanka Spain ee La Liga, halka kooxda Manchester ee kaalinta labaad ay qaaday laba Champions League iyo toban horyaaalka INgiriiska ee Premier League.

Kooxaha ugu waaweyn Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa soo galay liiska 15-ka kooxood ee ugu wanaagsan kooxaha caalamka, waxaana arrintaasi muujinaysaa in horyaaladoodu ay ka xiiso badan yihiin kuwa kale, dhaqaale ahaan iyo shacbiyad ahaanba, waloow tayo ahaan ayna gaadhin kubadda laga ciyaaro wadanka Spain, waxaana 20-ka kooxood ee caalamka ugu fiican ay kala yihiin:-

1. Barcelona (SPN) 757
2. Manchester United (ENG) 678
3. Juventus FC (ITA) 621
4. Milan AC (ITA) 611
5. Real Madrid (SPN) 605
6. Internazionale Milano (ITA) 567
7. Bayern Munich (GER) 563
8. Arsenal (ENG) 550
9. River Plate (ARG) 503
10. Chelsea (ENG) 442
11. Liverpool (ENG) 435
12. Porto (POR) 425
13. Boca Juniors (ARG) 420
14. AS Roma (ITA) 405
15. AFC Ajax Amsterdam (HOL) 400
16. Parma (ITA) 373
17. Sćo Paulo (BRA) 367
18. Valencia (SPN) 367
19. Glasgow Rangers (SCO) 364
20. SS Lazio Roma (ITA) 342

Xafiiska Ciyaraha Toggaherer

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: