Toggaherer’s Weblog

ALSHABAAB OO SII DAAYAY XILDHIBAANO UU KA MID YAHAY XAABSADE IYO ABU MANSUR OO BAYDHABO KA SAGOTIYAY

Posted on: January 27, 2009

ALSHABAAB OO SII DAAYAY XILDHIBAANO UU KA MID YAHAY XAABSADE IYO ABU MANSUR OO BAYDHABO KA SAGOTIYAY

Baydhabo 26 Jan 2009 ToggaHerer
Ururka Alshabaab ee galabta la wareegay guud ahaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka ayaa sii daayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Baay oo ay gacanta ku dhigeen markii ay la wareegeen gacan ku heynta Magaaladaas.

Sida ay sheegayaan wararka caawa ka imaanaya Magaalada Baydhabo Ururka Alshabaab ayaa sii daayay Wasiirka Gaadiidka cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fataax Ibraahim Geesey iyo Aadan Saransoor oo ka mid ah Saraakiisha Ammaanka, kadib markii ay galabta ka qabteen Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanadaas iyo Ururka Alshabaab uu dhex maray is afgarad, iyagoona iska soo wareejiyay Hubkoodii, waxaana markii dambe ay isaga baxeen Magaalada Baydhabo, iyadoona uu jiray wada hadal hoose oo lagu sii daayay.

Afhayeenka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ay isku heyb yihiin Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa la sheegay inuu sii dhoweeyay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Baay, waxaana ay abaareen dhinaca Gobolka Bakool, halkaasoo aan la ogeyn meesha ay uga sii gudbi doonaan.

Xaalada Magaalada Baydhabo ayaa caawa degan iyadoona dadweyne aad u xamaasadeysan ay isugu soo baxeen wadooyinka Magaalada kuwaasoo ku faraxsan la wareegitaanka Magaalada, oo caawa markii u horeysay ay ganacsiga ay furan yihiin, waxaana mudooyinkii hore oo ay Ethiopianka joogeen Magaalada ay aheyd mid ganacsiga galbihii albaabada loo laabi jiray.

Xoogaga Alshabaab ayaa gacanta ku dhigay Hub fara badan oo ay Ciidamada Ethiopianka ugu tageen Maleeshiyaadka deegaanka iyo kuwa Dowladda, waxaana Hubkaas oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka uu yahay kii ugu badnaa ee Shabaabka gacanta u galo mudadii labada sano ee ay dagaalka kula jireen Ethiopianka.

Qabsashada Alshabaab ee Xaruntii Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay fariin ku socoto tahay Xubnaha Baarlamaanka ee Jabuuti ku maqan oo markii hore fariisin KMG u aheyd, waxaana muuqata in aanay boos uga banaaneen Magaalada oo ay meel kale sii raadsadaan bacdamaa Alshabaab ay la wareegtay Magaalada oo idil.


Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: