Toggaherer’s Weblog

WAR DEG DEG AH GAADHI MIIDAAMO AH OO LAGU QARXIYAY MAGAALADA MUQDISHO SHACAB BADANINA KU LEEDEEN

Posted on: January 25, 2009

WAR DEG DEG AH GAADHI MIIDAAMO AH OO LAGU QARXIYAY MAGAALADA MUQDISHO SHACAB BADANINA KU LEEDEEN

Moqadisho 24 Jan 2009 ToggaHerer Qarax is-miidaamin ah oo khasaare xooggan geystay ayaa wuxuu maanta ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxaasna lala eegtay Ciidamada Amisom ee Wadadaas ku sugan Gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ahaa Nooca Mark II ayaa loo isticmaalay isqarxintan. Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa qaraxaas ku geeriyooday, kuwaasi oo 14 ka mid ah ay ahaayeen Dad Rayid ah oo la socday gaadhi Kuwa Dadweynaha ah oo Wadadaas socday, halka ruuxa kalena uu ahaa askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo joojiyay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo marayay nawaaxiga Gurigii Shaqaalaha ee Wadada Makka Al- Mukarrama. Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Ibraahim Shaawey oo daqiiqado kadib gaadhay goobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in uu arkay dadka dhintay ee rayidka ahaa, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in la bartilmaameedsado Dadka Rayidka ah. Rasaas ay qaraxaas kadib fureen Ciidamada Amisom ee ku sugan Wadada Makka Al-Mukarrama ayaa waxay sababtay dhaawac soo gaadhay dad ka dhawaa halka qaraxa ka dhacay, kuwaasi oo dhaawacooda loola cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: