Toggaherer’s Weblog

WANQASHA WAAXNIMO EE WAAXDA MAXAMED MOOGE OO KA DHACDAY XARUNTA MAAMULKA MAXAMED MOOGE

Posted on: January 23, 2009

WANQASHA WAAXNIMO EE WAAXDA MAXAMED MOOGE OO KA DHACDAY XARUNTA MAAMULKA MAXAMED MOOGE

Hargeysa 23 Jan 2009 TogaHerer
Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay, oo lagu xusayay waaxnimada Maxamed Mooge, oo ay soo qabanqaabiyeen ururka dhalinyarada ee YOVO, iyagoo kaashanaya gudiga waaxda Maxamed Mooge, ayaa lagu qabtay xarunta waaxda cusub ee Maxamed Mooge.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal ka mid ah dadwaynaha magaalada Hargeysa, masuuliyiin ka socotay dawlada, Xildhibaano, wakiilo ka socday axsaabta qaranka, aqoonyahano,masuuliyiinta YOVO, ciyaartooyga waaxda Maxamed Mooge, iyo dad kale oo aad u farabadani, ayaa ahayd mid si qurux badan u qabsoontay.

Ugu horayn gudoomiye ku xigeenka Waaxda Maxamuud Cabdi Kaliil, ayaa u mahadnaqay ururka YOVO, ee xaflada soo qabanqaabiyay, kuna amaanay dadaalka ay ururku muujiyeen.

Gudoomiyaha waaxda Maxamed Xariir Cali oo isna madasha ka hadlay ayaa ka waramay habsami u socodka hawlaha waaxda Maxamed Mooge, iyo sida ay u hirgaliyeen maamulka waaxda oo ah mid hadda madaxbanaan.

Xildhibaan Maxamed Cali Axmed, oo ah wakiilka Golaha deegaanka Hargeysa ee waaxda Maxamed Mooge, ayaa isaguna sheegay in ay si wanaagsan u socoto cashur ururinta waaxdu, waxaanu intaas raaciyay in uu jiro iskaashi xooggan oo ka dhaxeeya maamulka waaxda iyo ciidamada Booliska, taasina ay sahashay in nabadgalyada waaxdu ay tamaam noqotay.

Gudoomiyaha ururka Youth Vision Organisation “YOVO”, Cabdi-Deeq Maxamuud Yuusuf, ayaa ka warbixiyay horumarka ay waaxdku ku tallaabsatay mudadii ay jirtay waxaanu yidhi “Waaxda Maxamed Mooge, waxa lagu tilmaami karaa Chinaha Hargeysa, maadaama oo ay samaysay horumar aad u balaadhan mudadii 10 ka sanno ahayd ee ay jirtay, taasna ay ka matasho dalka Chinaha oo lagu sheego mid horumar balaadhan sameeyay sanadii u dambeeyay, waaxdana waxa hadda u soo kacay dhalinyaro badan oo aqoonyahano ah kana shaqayn doona horumarka waaxda”.
Duqa Caasimada Hargeysa Engineer Xuseen Maxamuud Jiciir, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in waaxda Maxamed Mooge ay la mid tahay waaxyihii 5 ta ahaa ee hore u jiray,isla markaana ay ka dheeraysay waaxyihii kale ee marka la la magaacabay, waxaanu yidhi “Waaxda Maxamed Mooge, waxay noqotay waaxdii ugu dheeraysay saddexdii waaxyood ee aanu dhawaan magacawnay, mararka qaarkoodna waxay bixisaa cashuur ka badan cashuuraha ay bixiyaan waaxyihii hore u jiray”.
Eng Jiciir waxa uu intaas ku daray in ay jiraan dhawr waddo oo loo dhisi doono waaxda Maxamed Mooge, iyo biriij isku xidha Maxamed Mooge iyo waaxda Gacanlibaax oo dooxa dulmara, haddana uu dhismihiisi socdo. Waxaanu u ballanqaaday in ay dawlada hoose 50% taageeri doonto mashaariicda horumarineed ee waaxda Maxamed Mooge, waxaanu kula dardaarmay in ay cashuurta si wanaagsan u bixiyaan, amaankana ay ilaaliyaan.

Ugu dambayntii Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah golaha Wakiilada ayaa ku amaanay dadwaynaha waaxda Maxamed Mooge, wax wada qabsiga iyo iskaashiga ay muujiyeen, waxaanu tilmaamay in dhawaan la soo saari doono xeerkii caasimada Hargeysa, oo waaxyahani ay isu badali doonaan degmooyin insha Allah.

Xafladan ayaa ku dhamaatay jawi wanaagsan, iyada oo ay halkaas ciyaar kubbada cagta ahi ku dhexmartay, laba naadi, oo ka dhisan waaxda Maxamed Mooge, ciyaartaasina waxay ku dhamaatay barbaro1-1 ah.

Siciid Maxamuud Gahayr
Voluntary report writter
0025224428604
saedmgahair@hotmail.com,saedmgahair@yahoo.com

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
%d bloggers like this: