Toggaherer’s Weblog

WARARKII U DANBEEYEY DAGAALADII AWRBOOGAYS IYO CADAADA BALIYO KORSHE EE GOBOLKA SOOL

Posted on: January 22, 2009

WARARKII U DANBEEYEY DAGAALADII AWRBOOGAYS IYO CADAADA BALIYO KORSHE EE GOBOLKA SOOL

Wararka saaka ka imaanaya deegaanka Awrboogays ayaa waxaa ay tibaaxayaan in tuuladu ay xasiloon tahay maanta ka dib iska horimaad hubaysan oo ka dhacay tuuladaasi shalay kaasi oo dhex maray ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland.

Wararka ayaa ku soo waramaya inay magalada si rasmi ah gacanta ugu hayaan ciidanka Jamhuuriyadda somaliland oo hore halkaasi ugu suganaa iyadoo ay taliyayaasha ciidankukna sheegeen in halkaasi loo diray ciidamo xoojin ah si ay isaga caabiyaan duulaan kasta oo kaga yimaada maamulka Puntland.

Dagaalka shalay dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland ayaa la sheegayaa in ay ku dhawacmen dad aan tiradooda si wanaagsan loo xaqiijin balse uu qasaare dhinaca gaadiidka dagaalka jiro iyadoo wararku sheegayaan in laba gaadhi laga gubay ciidanka Puntland sidoo kalena ay dad ku sugan degmada Xudun ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay arkeen gaadhi kuwa tiknikada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu soo gaadhay qasaare.

Taliye ka tirsan ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxaa laga soo xigtay inuu sheegay inay ka gubeen labo gaadhi oo ah nooca loo yaqaano Cabdi Bile oo ay lahaayeen ciidanka maamul-goboleedka Puntland islamarkaana ay ka dhawaaceen laba askari oo ka mida ciidankii so duulay ee puntland.

Dhinaca kale wararka saaka aan ka helayno deegaanka Cadaada Baliyo Korshe ee gobolka Sool oo dhinaca koonfureed kaga aadan magalada Laascaanood ayaa waxaa ay sheegayaan xaaladu ay yara degantahay saaka walow ay isku horfadhiyaan ciidamadii ku dagaalay halkaasi shalay ilaa iyo maalmihii la soo dhaafay kuwaasi oo ka kala tirsan ciidamo la sheegay inay ka soo duuleen dhinaca magalada Gaalkacayo ee Puntland iyo maleeshiyo ka mida deegaanka Cadaada Baliyo Korshe.

Dagaalkii shalay halkaasi ka dhacay ayaa la sheegay inuu gaystay qasaare naf iyo maalba isugu jira wararka ayaa ku waramaya inay ku nafwaayeen ku dhawaad 6 halka ay tiro kalena ku dhaawactay.

Dagaalkan deegaankaasi ka socda ayaa waxaa uu noqday mid mudo badan soo noqnoqday kaasi oo mar walba ka dhasha gacan ku haynta degaankaasi Cadaada oo ay sheegtaan maleeshiyada la sheegay inay taageero ka helaan Puntland oo ay isku h hayb ka soo jeedaan Col Yuusuf.

Maleeshiyo beeledyo ayaa la sheegay inay ka soo gurmadeen deegaamada Kalabaydh,Saaxdheer iyo meelo kale oo ka mida dhulka miyiga ah ee koonfurta gobolka Sool,si ay iga caabiyaan duulaanka ay ku so qaadeen ciidamadaasi ka soo dagaaltay Gaalkacayo.

Wariye Axmed Faarax Warsame
Laascaanood,Somaliland
axmedsaakin2hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

January 2009
S S M T W T F
« Aug   Feb »
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: