Toggaherer’s Weblog

Archive for August 2008

Wasiirka Warfaafinta oo ku dhawqay in TV ga Qaranku Satelita galay

Boorama:- 29/07/2008 TogaHerer

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Ahmed Haji Dahir Elmi oo sheegay galabta kuna dhawaaqay in ay ku guulaysteen in TV ga Qaranka Galiyeen Satellite ka caalamka, taas oo u saamaxi doonta dhamaan dawadayaasha ku nool wadanka gudihiisa waa meelaha ka fog magaalo madaxda dalka Somaliland ee Hargaysee iyo Dibediisaba in ay daawan doonaan dadweynuhu dhawaan inshaalaah .

Waxa kale oo Wasiir Haji Dahir hadalkiisa raaciyey in la balaadhiyey Idaacadii Radio Hargaysa lana keenay idaacad cusub taas oo hadeerto laga dhagaysto gobolada Bariga lana gaadhsiin doono hadii Eebe idmo Gobolda Galbeedka oo hadda gacanta lagu hayo hawsheeda.

Sidaa waxa uu Wasiirku ka sheegay war uu saxaafada galabta siiyey isaga oo jooga Magalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo uu Wasiirku hawlo shaqo ah ku joogo.

Xafiiska Warqabadka Toga Herer
Oslo-Norwey

Advertisements

Shir lagu taageerayo heshiiskii Dawlada iyo Al-Jabir oo ka dahcay Mansor Hutell

Ganacsatada xoolaha dhoofisa , dilaaliinta Saylada iyo xubno ka mid ah xoolo dhaqatada dalka , ayaa shalay difaacay heshiiska xukuumadu kula jirto ganacsadaha Sucuudiga ah ee Saleebaan Siciid Al Jaabiri oo dhawaan la kordhiyay qiimaha uu neefka xoolaha ah uu ku iibsanayo oo laga dhigay 42 doollar , xilliga xajkana 45 Doollar.

Shir lagu taageerayay heshiiskaasi ayaa maanta l agu qabtay huteelka Maansoor , waxana ka soo qayb galay ilaa in ka badan 120 xubnood oo isugu jiray ganacsato , dilaaliin iyo xoolo dhaqato , waxana ay naqdiyeen koox ganacsato ah oo cambaareeyay heshiiskan.

Wakiilka Shirkadda AL Jaabiri , ahna Ganacsade Xoolaha dhoofiya Mr Aadan Axmed Diiriye ‘’Aadan Baradho’’ oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Shirkan ganacsatada xoolaha dhoofisa , nimanka dilaaliinta ah ee xoolaha iibiya ee iyagu mar walba u dhexeeya dadka xoolaha dhaqda iyo ganacsatada xoolaha dhoofisa, qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah , sababta shirkan loo qabtayna waxa tahay in lagu taageero qodobadii wax lagaga bedelay heshiiskii ay wada galeen xukuumada Somaliland iyo shirkada Al Jaabiri ee xoolaha inaga qaadata , taas oo ah shirkadda kaliya ee ilaa hadda dalkeena maal gelisay , iyadoo aan wadankeena la ictiraafin , go’aankaasi dhawaan la gaadhay waxa aanu u aragnaa mid dalka iyo dadkaba wax tar u leh oo loo baahnaa , waxana markii sicir barar dalkii ka dhashay loo yeedhay Al JAABIRI , waxana heshiiskii oo dhaqan gal ahaa muddo 16 billood ah waxana la bedelay qiimihii uu xoolaha inagaga iibsan jiray oo ahaa 36 doollar laga dhigay 42 doollar xilliga xajkana 45 doollar, waxa kale oo lagu heshiiyay inuu sicir bararka wax inagala qabto oo uu raashin badan inoo keeno , isla markaana uu maxjarkii dhiso muddo shan bilood ah”.
Aadan Baradho waxa uu ku dooday in heshiiskaasi uu yahay mid u baahan in la taageero , waxana uu yidhi “xoolaheenu muddo 7 sanadood ah ayagoon iib haysan ayuu Al Jaabiri yimid , waxana inoo furayd in yar oo ay Yemani inaga qaadato , markaa waxa shirkadaasi ay sanadkii u dambeeyay ay inaga soo galay lacag 20 Malyan oo dollar ah , haddii ayna lacagtaasi inoo soo hoyan kama aynu soo doogneen abaartii dalka ka dhacday , heshiiskani waa mid lagu shaqayn karo oo ina anfacaaya ninkii aan isagu ujeedo gaar ah lahayn mooye , heshiiskani wuu hir galay durba xoolo lagu iibsaday qiimahan dambe way ka dhoofayaan dekeda Berbera”.
‘’Xukuumada iyo Shirkada Al JAABIRI labadaba waanu uga mahad naqaynaa heshiiska cusub ee la gaadhay oo ah heshiis loo baahnaa , waxana loo baahan yahay dadku inay kala gartaan cadowgooda iyo nasteexooda, imika waxa la sheegayaa carab badan oo xoolaha iibsanaysa oo soo yaacaysa , su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay mudo 7 sanadood ayay xoolaheenu xidhnaayeen oo ay iib la’aayeen mudadaasi xagee ayay ku maqnaayeen shirkadahan iminka yaacayaa , inagase miyay inoo siman yihiin nin kun neef doonaya iyo mid hal Malyan inaga iibsanayaa?, haddii aynu bur burino heshiiskaasi wax dambe oo la inagu aaminayaa ma jirto”.
Suldaan Maxamed jaamac C/laahi , oo ka mid ah ganacsatada xoolaha oo shirkaas ka hadlay ayaa difaacay heshiiska Dhoofka xoolaha ee ay xukuumadu kula jirto ganacsadaha sucuudiyaanka ah ee Saleebaan Al JAABIRI , Waxana uu ku tilmaamay mid waxtar leh.
‘’Heshiiskasi waa mid muhiim ah ee Al jaabiri waxaan leeyahay wuu mutaystay oo dalkii ayuu maal galiyay xoolihii oo sanado badan inaga xidhnaa ayuu furay” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Jaamac.
Suldaanku waxa uu xisbiyada Siyaasada u soo jeediyay in aanay faro gelin ganacsiga dhoofka xoolaha , waxana uu yidhi “Xisbiyada waxaan leeyahay dalka siyaasada ayaad u qaabilsan tihiin , ha faro gelinina ganacsiga , waxaan qabaa ganacsigu wuu ka madax banana yahay”.
Sidoo kale , waxa shirka ka hadlay dilaaliinta xoolo dhaqatada u iibiya xoolaha ee saylada Hargeysa , kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen raga ugu tunka waaaweyn e wax u kala iibiya dadka xoolo dhaqatada ah iyo shirkadaha adhiga, waxana ay sheegeen in mudadii shirkada AL Jaabiri ay dalka timid ay xoolaha si xawli ah uga iibsato lacagtana u qadinto.
Kadib shirkaas oo qaatay mudo saacado ah waxaa lagu kala yimid in la taageero shirkadaa Aljabiri iyo Xukumadu goankay isla qaateen oo ah mid wax ku ool ah dadkan iyo dadkan anfacaaya , Ganacsatada iyo shicibweynaha Somalilandna a u hogaasanamaan.
Xafiiska warqabadka Togaherer
Hargaysa

Al-Fannaan Xasan Diiriye Faarax oo xalay ku geeriyooday dalka Kuwait.

Kuwait: 26/07/2008 (TogaHerer).

Allaha u Naxariistee Xasan Diiriye Faarax oo ka mid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed kuwa ugu caansanaa ayaa Xalay waxaa uu ku geeriyooday dalka Kuwait, kadib markii uu muddo uu ku xanuunsanaayay wadankaasi.

Allaha u naxariisto Xasan Diiriye Faarax oo kamid ahaa fanaaniinta sida caanka ah looga yaqaano Dhulka Soomaalida gaar ahaan Somaliland ayaa Caawa waxa uu ku geeriyooday dalka kuwait, taasi oo ka dambeysay xanuun uu in muddo ah qabay fannaanku una jiifay, sida ay noo xaqiijisay Canab Xasan Diiriye oo ah Gabadh uu dhalay fanaanka geeriyooday ee Xasan Diirye Faarax.

Canab Xasan Diiriye oo ah gabadha uu dhalay fanaanku ayaa xustay in horay aabaheed Somaliland looga qaaday cudurka uu u geeriyooday oo lagu sheegay dhiikar.

Fanaanka ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Saylac waxanu ku soo barbaaray magaalooyinka Buuhoodle iyo Hargeysa waxaanu ka tirsanaa fanaaniintii walaalo Hargeysa ,Marxuum Xasan Diiriye ayaa waxa uu ifka kaga tagay hal xaas iyo toban caruur ah oo uu dhalay iyo afartan ay sii dhaleen.

Hadii aan Nahay Bahda TogaHerer News Network waxaanu Tacsi u Diraynaa Ehelka Iyo Shacbiga Soomaliyeed meel kasta oo ay joogaan Geerida Fanaan Xasan Diiriye Faarax waxaana aanu leenahay Samir iyo Iimaanna Allaha ha inaga wada siiyo Aamiin Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

ALLAHA U NAXARIISTO AL-FANNAAN XASAN DIIRYE FAARAX

TogaHerer

War- Muurtiyeed uu soo saaray Eng Maxamed Xaashi Cilmi

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mida siyaasiyiinta hogaanka sare ee Xisbiga Qaran ayaa dhawaan soo gaadhsiiyay saxaafada qoraal uu kaga dayrinayo xaalada cakiran ee maanta dalku marayo, qoraalkii Maxamed Xaashi soo gaadhsiiyay saxaafadu waxa uu u dhignaa sidatan:
Xaalad Xun oo Halis ah oo aan Hore inoo soo marin ayaa Dalkii Marayaa:

Dhibaatooyinkii hore loo qabay, waxa ka mid ahaa: Shaqa la’aan, Mushahar yarida Ciidamada iyo Shaqaalaha, Maamul xumo, Wax soo saar iyo horumar la’aan, musuq-maasuq, Dhaqaale bur-bur iwm;

Waxa ku soo kordhay- Maceeshaddii oo si xad-dhaaf ah u qaaliyowday. Sannad iyo dhowr bilood gudahood, waxa ascaartii cunada korodhay 300 %. Gadbadda bariisku waxay maraysaa $ 62. Mushaharkii shaqaalaha dawladdu ma gooyo gadbad bariis ah. Shidaalkii cirkuu isku shareeray, Noloshii dan-yartu ama dadkii saboolka ahaa, waxa ay ku sugan tahay xaalad aad u adag. Cid u maqanina ma jirto

Waxa soo kordhay, Xukuumaddii oo wakhtigeedii dhamaaday oo Dalkii aanu maanta lahayn, madaxweyne iyo ku xigeen iyo xukuumad sharci ah.

Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa xilka loo dhaariyay shan sanadood oo qudha, 15 May, 2003 ilaa 14 May, 2008. Aftidaa ama codkaa dadweynahu waa Dastuuri, sharci ka dambeeyay oo lagu bedelayna aanu jiro. Arrin weyn oo dhacay oo muddo-dhaafkaa loo food-saarayna ma JIRO.

Waxa iyana nasiib darro ah, in sidoo kale, Golahii Guurtida iyo kuwii Dawladaha Hoose, iyana wakhti-dhaaf ku dhacay oo ay sharci darro ku fadhiyaan, Saddexdan dhacdo, waxa ay tusaale u yihiin; masuuliyad darrada iyo xilkas darrada, madaxda sare ee Dalka.

Waxa isweydiin leh, : MAXAA ILAA LIXDANKII LOO WAAYAY, XUKUN QUMAN iyo TALO QEEXAN ( Good Governance and Transparency) ?

Jawaabtu Qabiil;

Qabiil iyo Qaran; Waxa aynu dooranay Qabiilkii. Taas oo sababtay, in Dawladda lagu qiimeey, yaa innoogu jira iyo madaxda Sare yeynu ku leenahay?. Waxa meesha ka baxday in Dawladda lagu qiimeeyo; Hufnaan, horumar iyo wax qabad. Qabiilku wuxu xambaarsan yahay; ficiltan reer iyo loolan joogta ah, eex iyo musuq-maasuq. Qabiilku uma adeego danta guud, ee wuxu u adeegaa danaha gaarka ah. Waa aragti gaaban, Haddii danta caamka la waayo, tu gaar ma jiri karto.

Xukuumadda, oo arrintaaas dano gaar ah ku fushata ama uga faa’idaysata, waxa ay dhistay maamul balaadhan oo qabiilka raali geliya. Maanta, waxa innoo dhisan; Xukuumad ka kooban; kontameeyo (50) wassiir, wassiir ku xigeen iyo wassiiru-dawla iyo lix iyo labaatan (26) wassaaradood. Waxa ku baxda, lacag si ka haboon dalka wax loogu qaban lahaa.

Waa maxay, hawsha ay Wassiiradaa badahi Ummadda u qabtaan?

Inta badan, miisaaniyadda loo qoondeeyaa ma aha mid loogu talagalay horumar. Waxay agaasimaan, wixii loo siiyay inay ku hawl galaan oo ah: Miisaaniyadda wassaaradda, shaqaalaha iyo mushahar kooda, shidaalka, qalabka xaffiiska, gaadiidka iyo arrinta loo abuuray oo ah isku-xidhka reerka iyo xukuumadda. Waxa u soo raaca; oday, sulgaan ama qurba-joog madaxweynaha salaan loogu geeyo.

Xaffiiska waxa la joogaa, saacadaha yar, ( 9 a.m ilaa 11 a.m). Hawl lama qabto. Inta badan waa; iswareysi, shah/ koffi iyo telefoon, Madaxweynihii ma soo degey. Muddada toddoba iyo tobanka sannadood iyo lixda bilood ee ilaa 1991, waxa la shaqeeyay, lix sano iyo badh. Waxa lumay kow iyo toban sannadood.

Qiimo darrada wassiiradaa iyo wassaaradahaa badani, waxay ka muuqdaan habka miisaaniyadda loo qaybiyo. Tusaale ahaan, Kow iyo toban wassaaradood iyo laba iyo toban hayadood, waxa mid walba, la siiyaa, miisaaniyad ka yar, sls 855,000,000. oo ah shidaalka wassaaradda maaliyadda.

Sido kale, waxa ay Xukuumaddu taageerada dadweynaha ku raadisaa, shaqaale badan; 7,197 qof ( ciidamadu kuma jiraan ). Kharash aan loo baahnayn baa iyana ku baxa. Hawl ay qabtaan intooda badani ma jirto. Tusaale ahaan haddii aan laba wassaaradood u soo qaadano:

Wassaaradda A. Gudaha, waxa ku qoran 928 qof, Boqol ma gaadho shaqaalaha xaffiisyadu. Inta kale waa; af-miishaar iyo caaqil. Caaqilka waxa samaystay gumeysigii oo maanta looma baahna. Hawsha ay dadkaasi qabtaan, waa dacaayadda mucaaradka.

Wassaaradda Maaliyaddana, waxa ku qoran 435. siddeetan ( 80 ) wax ka badan hawsha looguma baahna. Inta kale iyana waa Af-miishaar, Xukuumadda ammaana, mucaaridkana ceebeeya. Nassiib darro, kuwaas, ayay Xisbiyada mucaaridku u haystaan dadweyne ka soo horjeeda.

Halka shaqaale, kuwaa ka faa’ido badan looga baahan yahay, waa Wassaaradda Waxbarashada. Waxa Wasaaradda ka shaqeeya 3,516 macalim. Waxa mushahar ka qaata, 2,258 Waxa fiiga ardayda mushahar loo siiyaa 1,258 macalim, Haddii lacagta Af-miishaarka iyo caaqilka, macalimiintaa mushahar loo siin lahaa, fiiga dhibay dan-yarta, caruur badani ku wayday waxbarasho ayaa laga dhaafi lahaa. Taasaa dadka uga wax tar badaan lahayd.

Maamul xumi, qalooc ka baxo. Waxa iyana jirta, in Wassaaradda Maaliyadda la siiyay sls 15,957,269,428, sannadkii 2007. oo ka badan miisaaniyadda labada Wassaaradood ee Waxbarashada (sls 10,856,220,973) iyo Caafimaadka (sls 5,989,801,360 ). Xisaab-xidhka miisaaniyadaha dawladda lama hor keeno, G/wakiilada, Hanti-dhawrkuna ma baadho. Ujeedadu, waa si aan loo ogaan; inta la leexsado, siyaadada soo baday iyo hadhaagii aan la isticmaalini. Kuwaas oo aan lagu darin miisaaniyadda sannadka dambe

Bal iyana u fiirso, musuqa-maasuqa, wassaradaha laf-dhabarka dhaqaalaha ahaan lahaa, dakhli iyo kharashka. Tusaale 2007; ( $ 1.00 = sls 5,800)

W. macdanta iyo biyaha: Dakhli (sls 10,682,033) = $ 1,800 – kharash $145,000

W. Boos. Iyo Isgaadh. Dakhli (sls1,669,990,078 ) = $ 280,000- Khgarash $116,000

W. Kaluumeysiga Dakhli (sls1,109,507,000 ) = $ 190,000- Kharash $160,000

Dekedda Berbera Dakhli (sls2,000,000,000 ) = $ 340,000 ————————-

Xukuumaddu, khayraadkii dalka, ma bilaash bay u bixisaa, mise wax baa ku laaban ?

Wassaaradda macdanta iyo biyaha ee liisamada batroolka iyo madanta bixisa, ayaa dhiiqday $ 1,800 ma caqlibaa ?

Tobanka markab ee laga leeyahay dalka Massar, ee baddii xaalufiyay, deegaankiina baabi’iyay, waxa ka soo hoyda $ 52 maalintii / markabkii, iyana ma caqli baa ? Miyay gaa-gaxeen Dekeddii Berbera iyo isgaadhsiitii ?

Waxa intaa dheer, Dakhli badan oo aan miisaaniyadda gelin, oo ku hoyda madaxwtooyada sida; Dakhliga dekedda Berbera, Haamaha shidaalka, Lacagta adagg ee xoolaha dhoofa, Shirkadda kaluumeysiga, Fiiga shirkadaha batroolka iyo macdanta baadha .

Madaxweynuhu, wuxu Qaranka ku leeyahay mushahar iyo xuquuq marka uu hawlgabo. Hantida ummaddu waa ammaano. Deeq uma bixin karo, maalka ummadda. Sida ku qeexan, Dastuurka qodobka 55. (1-7). Golaha Wakiilada ayaa ogolaanaya, gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.

Dhaqaale bur-burka, siyaasad xumada iyo cadaalad darrada, waxa sal u ah, Dastuurka iyo sharciga Rayaale sida badheedh ah u baalmaro.. Haddaba waxaas oo dhan yaa ansixiya ? Waxa ansixiya wassiirada iyo mudanayaasha ay beeluhu isugu faanaan,

DHAAWAC WEYN, BAY XUKUUMADDU U GEYSATAY AQOONSIGII iyo SIYAASADDA A. DIBADDA: ee JDL

Bilihii dambe, waxa ay xukumaddu ku tumtay : Xorriyaddii Banaanbaxa, Ra’yi-dhiibashada, Saxaafadda, Xuquuqda Qofka iyo Xorriyadda Assaasiga. Waxa maanta xabsiga ugu jira Abshir Saxardiid Xaashi.iyo boqolaal lagu xidhay xukunka Deg-dega ee Baarlamaankii hore laalay.Waxa aan iyana ugub ahayn, dad isu soo baxay oo aan hubeysnayn oo rasaas lagu laayo, cid aan loo xidhin, sharcigana aan la marin, ciddii falalka geystay iwm.

Waa aragti gaaban. Xisbiga UDUB ee xukunka haya, taageera yaashiisa, golihiisa dhexe, xoghaya guud, mudanayaashiisa labada gole, wassiirada ilaa madaxweyne ku xigeenku, way ka warqabaa ama qayb ayay ka yihiin xumaha dalka ka socda. Xil iyo waajib miyaanu iyaga ka saarayn Dalka ? Waza ay u dhaqmaan, shaqaale madaxweyne.

Xisbiga UDUB, muddadii uu xilka hayay, kama soo bixin hawshii loo igmaday. Wuxu muujiyay; karti darro iyo daacad darro. Hore ayaa loo eeday dhaqankan oo kale. Taaeiikhdii Ina Siyaad Barre, ma dheera. Amar-ku-taaglayn, kibir jab iyo qomamaa ka dambeeyay.

Jiritaankii Dalku, wuxu u baahan yahay. ISBEDEL DAB AH, OO DAKHSO AHI; Ma dhici karaa? Doorasho XOR ah, oo XALAAL ihi ma qabsoomi kartaa? Carqaladaha badan ee ku gadaaman ma laga gudbi karaa ? Talo midaysan ma laga yeelan karaa? Sidee looga gudbi karaa arrimaha ay ka mid yihiin:

Komishanka Doorashooyinka oo aan ahayn dhex-dhexaad, bal-se ka tirsan xisbiyo.

Komishanka oo aan isu-dheeli tirrayn. Xisbiga UDUB lee yahay shan xubnood. KULMIYE iyo UCIDna leeyihiin laba xubnood.

Komishanka oo aan karti iyo madax-banaani ay hawsha ku fuliyaan aan lahayn.

Awoodda dhaqaale, ee hadda loo isticmaalo DHAAMEELka oo aan shaki ku jirin, in doorashadana loo isticmaali doono.

Xisbiyada mucaaridka oo gaffay inay ku adkaystaan xukuumad loo dhan yahay, oo doorashooyinka dalka qabata, markii shantii sannadood ee xukuumaddii dhamaatay.

MAXAA XAL AH ? SIDEE- SE DALKA LOO BAD-BAADIYAA ?

Mucaaradka oo dhan, oo u midooba sidii maamulkan musuq-maasuqa ah ee cimrigiisii ku dhamaystay aayo la’aanta, xilka looga wareejin lahaa. Khilaafka busta qoyan la saaro, oo meel la iska dhigo.

Hebel- Hebel ku beddel, iyana murtiyi kuma jirto. Waa in da’yartu, (gudo iyo qurba-joog) is-abaabulaan, shuruudo ku xidhaan xisbiyada mucaaradka, ciddii u tar-tamaysa xilka Madaxtooyada..Waa in ay ka qayb galaan loolanka doorashooyinka. Waa inay mustaqbal kooda iyo Dalkooda dhistaan, oo ay ka waantoobaan TAHRIIB iyo DAL dadkoodii dhistay. Dalku wuu innagu filan yahay. Intii tahriibka inagaga geeriyootay Eebbe janada ha ka waraabiyo. Eheladiina samir iyo iimaan.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamed Xaashi Cilmi

hirweynihii Golaha Dhexe ee Kulmiye oo dib u dhacay iyo Loolanka Musharixiinta M/weyne Ku Xigeenka

Hargeysa 24/07/2008 (TogaHerer)
Guddoomiye-ku-xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE, isla markaana ka mid ah musharraxiinta u taagan jagadda madaxwyne-ku-xigeenka ee xisbiga dhexdiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inuu Shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE uu muddo tobaneeyo ah dib u dhacay. Kaas oo uu qorshuhu ahaa inuu qabsoomo 29 July 2008, oo uu ku ka dhaco Magaalada Burco.

Md. C/raxmaan Saylici oo ka hadlayey musharaxiinta ilaa iminka la hubo ee u tartamay jagada Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE dhexdiisa, waxa uu yidhi;
“Haddaan ka hadlo guddi musharaxiinta kolay guddi qabanqaabo ayaa shirka loo xilsaaray, guddigii qabanqaabadu markaa wixii ay soo dejiyeen oo ay codsadeen in la is caddeeyo oo maadaama waqtiga shirku soconayo ay gaaban tahay inay sii ururiyaan ciddii danaynaysa hoggaanka ee ka dhex tartamaysa xisbiga KULMIYE, taas markaa waxay noqotay in Madaxweyne-ku-xigeen ahaan ilaa hadda inta aan ogahay afar qof ayaa caddeeyey inay u tartamayaan jagada Madaxweyne-ku-xigeenka, saddex musharax oo reer Awdal ah iyo nin reer Sanaag ah, kuwaas oo kal aha Cabdiraxmaan Saylici oo aniga ah, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Ismaaciil Muumin Aare iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo reer Sanaag ah, intaas ayaa araajidoodii Madaxweyne-ku-xigeenka xareeyey, buuxiyeyna shuruudihii looga baahnaa.”

Md. Saylici oo la waydiiyey in sababta keentay dib-u-dhaca shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE uu ka mid yahay shirweynaha beelaha Habar-Jeclo ka furmaya Gar-adag iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Taa qudheedu kama maqna sababtoo ah shirka Gar-adag kolay waa shir beeleed, shirar beeleedna way iska dhacaan oo waa wax beeshu danteeda kaga tashanayso ama isku habaynayso, dib-u-dhaca shirka KULIMIYE-na taa qudheedu waa ka mid, waxayna u eegtay raggii muddakarka ahaa ee shirka xisbiga ka qayb gali lahaa ee beelahaas ka soo jeeday oo shirkii Gar-adag looga maarmi waayey way ku jirtaa meesha, wax dhibaato ah oo kalena majirto.”

Gudoomiye-ku-xigeenka Afraad ee Kulmiye oo ka jawaabayey su’aal ahayd waxay kala mudan doonaan saddexda siyaasi ee reer Awdal ee u tartamaya jagada Madaxweyne-ku-xigeenka iyo sababta ay isugu tanaasuli waayeen, waxa uu yidhi; “Kolay waxa la yidhi rag damac iyo dacari midna kama dhammaato, nin walibana damaciisuu leeyahay in saddexdaydu heshiis wada gaadhno oo isku tanaasulnana way iska qurux badnaan lahayd oo la mideeyo marxaladda aAwdal-na way haboonayd, haddii ay laakiin taas dhici waydo oo qof waliba damaciisa uu meesha la yimaaddo, xisbigu waa xisbi dimoqraadi ah oo haddii shan la isku sharraxo iyo haddii afar la isku sharraxaba dadka shirka isugu imanaya iyagaa danaha xisbiga iyo sida uu ku guuleysanayo eegaya ayey u taal inay kala saaraan in iyagoo danta dalka iyo danta xisbiga iyo cidda laga guulaysanayo, ooo dhinac walba ka eegaya, waxay u taal Golaha Dhexe, wax dhibaato ahna nagu keenimayso, ragguna damac siyaasadeed wuu yeelan karaa, waxaanna lagu kala hadhi doonaa shirka Golaha Dhexe ee xisbiga.

Tanaasulkuna wuu fiicnaan lahaa, laakiin haddii qof waliba codsigiisii musharraxnimada soo gudbiyey way caddahay in aan tanaasul muuqan oo shirka Golaha Dhede uun lagu kala hadhi doono, iyadoo si qurux badan oo walaaltinimo ah loo tartamayo.”

Waxa kale oo musharraxa Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE dhexdiisa Md. Cabdiraxmaan Saylici la waydiiyey inta ay le’egtahay rajadiisa ah inuu ku soo bixi doono doorashada Madaxweyne-ku-xigeenka iyo inuu haniyey doono haddii laga guulaysto, isga oo su’aashaa ka jawaabayna waxa uu yidhi; “Kolay rajaydu waa 80%, rajo fiicanna waan ku qabaa masuuliyadana waxa leh Golaha Dhexe ee isku imanaya, iyaga oo aan qofna ka godob gelin qofna u eexan sida loo kala leeyahay mudnaantana sida la isleeyahay waa lagu guulaysanayaa nin walba dadka gobolka ka soo jeeda sida ay u taageersan yihiin ama sida uu dadka u wato iyaga oo waxaas oo dhan eegaya, aniguna aan isleeyahay taageerada Gobolka Awdal oo dhan baan haystaa, laakiin haddii la tartamo qof baa soo baxa, Somaliduna waxay tidhaahdaa badiyaaba waa bahdeen, markaa ninkii guulaysta ee reer Awdal ahiba waa nin reer Awdala, markaa aniga haddii la iga guulaysto waan ku tahniyadaynayaa, xisbigii KULMIYE-na sidii aan u ahaa ayuun baan u ahaanayaa.”

Waxa kale oo uu Md. Saylici sheegay in awoodda mucaaradnimo Gobolka Awdal ay aad u sarreyso, iyada oo Gobolku ka mid yahay meelaha dhibaatooyina dalka ka jira ay sida xun u saaameeyeen hadday tahay shaqo la’aanta, musuq-maasuqa, dib-u-dhaca, tahriibta dhallinyarada iyo dhibaatooyin kale oo badanba, isaga oo xusay in awoodii mucaaradku ku lahaa Gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Rayaale aanay hoos u dhicin.

“Awooddii mucaaridnimo ee Gobolka Awdal wax hoos-u-dhac majirto, mucaaridada gobolkuna aad bay u xooggan tahay, waxaanna xoojintaa keenaya dadka bani’aadamku waxa uu doonayaa in loo qabto wax la taabto, markaa waxa weeyaan dadka reer Awdal waxa cabasho waddanka ka jira wax walba iyagaa ka kaw ah, caddaalad-darro hadday jirto Awdal bay ka kow tahay, musuq-maasuq Awdal buu ka kaw yahay, waxqabad la’aantu Awdal bay ka kow tahay, markaa dadka reer Awdal way dareensan yihiin in xumada ina Rayaale madaxda ku yahay inay hanan wayday xilkeedii, wixii looga baahnaana qaban wayday, dib-u-dhaca ku yimi doorashooyinkiina waxaan qabaa mucaaridadii Awdal aad bay u sii kordhisay, sababtoo ah dadku waxay dareensan yihiin waxqabad la’aanta badan, dhibaatooyinka Gobolka Awdal ka jira, waxa ka mida tahriibta dhallinyarada oo aad bay shaqo la’aantu ugu badan tahay, dadkaa baddaha ku dhimanaya waxa u badan dadka Gobolka uu Madaxweynaha ka soo jeedo, markaa reer Awdal waxay ogyihiin lix sanno oo Madaxweyne Rayaale xilka hayey oo aan waxba loo qaban, doorashadana waxbadan ka heli mayo reer Awdal.

Waxa kale oo Md. Saylici sharci-darro ku tilmaamay heshiiska xukuumadda Rayaale kootada ugu xidhay dhoofka xoolaha nool ganacsadaha Sucuudiga ah ee Al-jaabir, isaga oo xusay in arrintaas ay saamayn xun oo dhaqaale-darro ku keeni doonto builshada reer Somaliland haddii aan xukuumaddu go’aankaas ka noqon.

Sidoo kale warar iyana ka soo baxaya dhinaca gudidda qabanqaabada shirka ayaa sheegaya in aanay jirin ilaa hadda wakhti la isla qaatay oo shirka dib loogu dhigayo.

Hargeysa TogaHerer

Wadamada Carabta oo laga Hirgelinayo Nidaamka Sawirka Indhaha

Dubia 24/07/2008 (TogaHerer).

Shir ka dhacay Tunisia ay ku yeesheen 17 July mas,uuliyiinta Amniga ee wadamada Carabta ayaa ay isku raaceen in ay hirgaliyaan nidaamka Baadhista iyo sawirka ee indhaha ,Qaabkan ayaa lagu heshiiyay in la dhaqan galiyo habkan cusub ee loo baadho dambiilayaasha iyo dadka la doondoonayo ayaa ah mid sahlan oo lagu ogaan karo sidoo kalena ay ku sheegeen mid wax ka taraya in la adkeeyo amaanka wadamada Carabta.

Sidoo kale nidaamkan ayaa u fududeenaya dalxiisayaasha inay galaan wadan walba ayadoon lagu samayn wax dabagal ah.
Masuul u hadlay Carabta ayaa sheegaya in dadku mari doonaan bar baadhitaan oo wakhtiga ay halka marayaan eegi doonaan kamarad taas hadii ay ku guuleystaana ay u gudbi doonaan barta socdaalka sidaana ay ku gudbi doonaan.

Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa Nidaamkan dabaqay kana hirgaliyeen 35 barood kuwaasoo isugu jira cirka, Dhulka iyo berigaba, Mas,uulka u hadlay Imaaraadka ayaa sheegay in Nidaamkan ah baadhista uu qaadanayo 2 ilbidhiqsi inta lagu ogaanyo ruuxu, Wuxuu intaas na ku daray in khaladka dhici karaa ee qalabkani ay tahay 0.5%.

Masuuliyiinta Amniga Carabta ayaa isku raacay sidii ay u midayn lahaayeen nidamkan sugida amniga iyo is dhaafsiga wararka sirdoonka.

Xafiiska Warqabadka TogaHerer
UAE

War Deg Deg Ah Boqor Raabi Yusuf oo La xidhay

Hargeysa 19/07/2008 (TogaHerer)
Boqor Raabi Yusuf C/laahi ayaa Xabsiga loo taxaabay , Boqorka ayaa ku xidhan hadda Xarunta dambi baadhista ee CID ilaa iyo hadda lama garanyo sababta xadhiga Boqorka cid ka hadashay xidhiga boqorka na ma jirto, mar aanu isku daynay in aanu ogaano sababta xadhiga Boqorka way noo suura geliweyday ka dib markii Saraakiisha Dambibaadhista iyo Booliskba oo aanu la xidhiidhanay ka gaabsadeen xadhigiisa.

Boqorka ayaa markii la qabanayay lana xidhaayay laga qabtay Xafiiska Mayer ka Caasimada Eng Xusen Maxamed Jiciir.
Wixii warar ah ee ka soo kordha Xadhiga Boqor Raabi kala soco TogaHerer.

Xafiiska Warqabadka TogaHerer
Hargeysa