Toggaherer’s Weblog

WARKA CALAMKA IYO WARQABADKA TOGAHERER

Posted on: February 26, 2009

WARKA CALAMKA IYO WARQABADKA TOGAHERER

WARKA CALAMKA IYO WARQABADKA TOGAHERER
3 NIN OO LA HAYSTAY DILKI RAFIIQ AL-XARIRI OO LA SII DAYAY

Magaalada Beirut Ee Dalka Lebanon ay Ka Socota Badhitaano Iyo Maxkamadayn Ka Dhan Ahaa Dad Lagu Tuhunsanyahay In Ay Ka Danbeeyeen Dilkii Loo Gaystay Ra’iisal Wasaarihii Hore ee Lebanon Rafiiq Al-Xariiri ayaa waxaa Maxkamaddii dadkaasi Haysay Waxaa Ay Sii Daysay 3- Ka Mid ahaa Dadkaasi .

Qaadiga Baadhitankan Ku Jiray ayaa waxaa uu sheegay in Aan Wax denbi ah lagu hayn 3 Nin oo loo haystay Dilkaasi oo laba ka mid ahi ay walaalo Yihiin Kuwaasi oo Lagu Kala Magcabo Axmed Cadil-Cal Iyo walaalkiis Max’ed Cabdil-Cal Iyo Ka Saddexaad Oo Ah Ibrahim-Miishaal.Labadan Nin ee walaalaha ah ayaa waxaa ay u dhasheen waddanka Lebanon waxana loo soo xidhay ka dib markii lagu tuhmay in ay ka danbeeyeen dilkii loo gaysaty Rafiiq Al- Xariiri oo ahaa ra’iisal wasaarihii hore.Axmed Cadil-Caal Iyo walaalkiis Max’ed Cabdil-Caal waxaa la soo xidhay 28/10/2005 Dhinaca kale Ibraahim-Miishaal ayaa waxaa isna xabsiga loo taxaabay 13/01/2006

Waxaa iyana sidoo kale Dilkii loo gaystay Rafiiq xariiri loo haystaa 4-Nin oo ka tirsanaa maamulka Dalka Lebanon Waxana ka mid ah Liwaa-Jamiil Oo Ahaa Taliyihii Guud Ee Ciidanka Amanka Waddanka Lebanon Iyo Sidoo kale Liwaa-Cali Al-Xaaj Oo Isna Ahaa Taliyhii Ciidanka Amaanka Gudaha Iyo Camiid-Raymuun Oo Isna Ahaa Taliyihii Laanta Sirdoonka Waddankaasi Iyo Ka Afrad Oo ahaa Camiid-Musdafa-Xamdan Oo Ahaa Taliyihii Ciidamada Loo Yaqaan Xaris-Al-Jamhuuriga Waddanka Lebanon.

Waxaana Raggaasi dhamantood loo haystaa In Ay Wax Lug Ah Ku lahaayeen Dilkii Loo Gaystay Ra’iisal Wasaarihii Hore Rafiiq Al-Xariiri Waxaana Ku Socda Badhitan Iyad Oo La sheegay In Badhitaankoodu Uu Marayo Meeshii U Danbysa waxaana warbixino Hoose ay sheegayaan in lagu wado in la sii daayo Maadaam aan illa Iyo Hadda wax danbi ah lagu hayn.

XAMAS IYO FATAX OO ISKU RAACAY IN AAY ISDHAAFASADAAN MAXABIIS

Madxda sar sare ee Xamaas iyo Fatah ayaa ku baaqay in ay diyaar u yihiin in ay iswaydaarsanayaan maxaabiista ay kala haystaan ka hor inta uu san bilaaban shirka lagu wado inuu maanta ka dhaco magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Xaamaas waxa ay horeba u siidaysay maxbuus xabsi guri ugu jirtay magaalada Gaza oo ka tirsan Faatah halka ay Fatahna siidaysay 80 kamida 380 maxbiuus oo ay hore uga qabsatay Xamaas..Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo lagu wado in ay maanta ka qeyb galaan wada hadlo guud oo lagu xalinayo waxyaabaha ay kala tabanayaan labada dhinac kaas oo lagu wado in uu ka bilaabmayo Qahira sidii ay deeq Gargaar ku gaadhay lahayd Gaza oo inbadan u xanibnayd is eegashada labada dhinac.

‘‘Tiro maxbuus ah ayaa lasiin dayn doonaa bilowga wada hadalada Qaahira’’ sida hadal uu ku yidhi Hogaamiyaha Fatah Azzam al-Ahmed.

Waxa kaloo ay labada dhinac isku raaceen in ay joojiyaan dacaayadaha ay isu marinayaan Warbaahinta oouu midba kan kale ku weeraro in uusan ubaahnayn in uu miiska wada hadalka soo fariisto.

Marka loo soo laabto Xubnaha tirade yare e ka jira Falastiin ayaa iminka isu diyaarinaya sidii ay uga qeyg gali lahayeen kulanka xiga kan manta ka dhacaya Qaahira oo lagu yagleelayo xukumad Qaranimo ay iyana jagooyin kabaranayaan doorashooyinka lagu wado in ay dhacaan dhawaan marka ay Xamaas ay isla meel dhigaan qilaafkooda sootaagnaa.

DALKA MARAYKANKA OO WADA QORSHOO KAGA SAARAYO CIDAMADIISA DALKA CIRAAQ

Wasaarada Gaashaandhiga Wadanka Maraykanka ayaa Ku Soo waramaya In Maamulka Wadanka Maraykanku Wadaan Qorshayaal La Doonayo In Ciidamada Maraykanka ah ee ku Sugan Wadanka Ciraaq looga soo Daad Gurayn lahaa islamarkaana Loogu Soo Celin lahaa Wadankooda Maraykanka Sanadka Soosocda

Dhanka kale Xukuumada CIraa ayaa sheegtay In Ciidamada Amaanka Wadanka Ciraaq iyo qalabkooduba ay Diyaar u Yihiin Sidii ay Hawshooda ah Sugida amaanka Ula Wareegi lahaayeen marka ay Ciidamada Maraykankaku ka baxaan Wadanka Ciraaq

Mid kamid ah la Taliyayaasha Riisal wasaaraha Wadanka CIraaq Nuuri AL Maaliki ayaa sheegay Inay Soo dhawaynayaan In Ciidamada Maraykanku ay ku baxaan ka Hor Xiligii lagu Balansanaa Inay baxaan oo ahaa Sanadka 2011ka

Isku Soo wada Duuboo dadka reer Ciraaq ayaa Iyaguna Soo dhaweeyay Qorashan uu Maraykanku ku doonayo Inuu Ciidamadiisu kala Boxo Wadanka Ciraaq ka Hor Xiligii Lagu Balansanaa In Ciidamada Maraykanka lagala Boxo wadanka Ciraaq .

WARQABADKA TOGAHERER ISLAMABAD PAKISTAN

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: